Nabadoon caan ah oo lagu dilay Beledweyne ee gobolka Hiiraan

0
230

Baledwyne(INO)-Kooxo hubaysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay Nabadoon caanka ahaa guud ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Xasan Daahiye Uulow ayaa lasoo sheegayaa in koox hubaysani ay xalay ku dishay xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Beledweyne,Nabadoonka ayaa la tilmaamay in marka la tooganayey uu ku sugnaa Maqaayad lagu shaaho oo ku taalla magaalada Beledweyne.

Dhaawac halis ah ayaa la tilmaamay inuu Nabadoonka kasoo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxaha hubaysan waxaana loola cararay Cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaasoo daqiiqado kadib uu ku geeriyooday.

Nabadoonka ayaa qayb ka ahaa waxgaradkii shalay magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyey waftigii ka socday dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Safiirada Soomaaliya u fadhiya wadamada caalamka,goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidanka dowladda Soomaaliya oo sameeyey baaritaano walow ay ku guul daraysteen soo qabashada dhagar qabayaashii ka danbeeyey dilka Nabadoon Xasan Daahiye.

Idale News Online, Baedweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here