Muqdisho (INO) — Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sooo saaray Amar uu ku diiday in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho lagu daro Maamul Goboleed.
Prof Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Warqad Furan u diray Madaxweyne Xasan Sheekh & RW Cumar C/rashiid, taasi oo uu ku wargeliyay in Dastuurka KMG ah ee dalka uusan ogolaanaynin in Muqdisho kamid noqoto Maamul Goboleed.
Warqadda Gudoomiye Jawaari ayaa waxay ahayd mid Madaxda dalka uu ku xasuusinayo in la dhowro Sharciga dalka u degsan, ee dhigaya in aan Caasimada Qaranka noqoto mid ka madax-banaan Maamulada Federaalka.
Warqadda Gudoomiye Jawaari uu u diray MD Xasan & RW Cumar C/rashiid:
- In la dhowro Dastuurka dalka, ee dhigaya in Caasimadda lagu biirin karin Maamul Goboleed.
- In haddii la bedelayo Caasimadda loo baahan yahay Afti dadweyne (Public referendum), iyadoo aan la helinna taasi aan meelna lagu biirin karin Muqdisho.
- In Labada Gole ee Dowladdu dib u eegis ku sameeyan, Go’aanna ka qaataan marka shacabku u codeeyan Caasimadda. Haddii ay keli u taagnaan laheyd iyo haddii Maamul Goboleed la raacin lahaaba.
Warqadda Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa timid markii uu arkay inay jiraan Kulamo Hoose oo ay wadaan Xildhibaano & Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Baarlamaanka, oo kawada Muqdisho Shirar gaar gaar ah oo ay ku qorsheynayana inay Caasimada ku daraan Gobolada Shabeellaha Dhexe & Hiiraan, kadibna ay Maamul Goboleed u sameeyaan.
Idale News Online – Muqdisho