MN(INO)-R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali SH Axmed oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa sheegay in ciidanka u dhisan dowladda federaalka Soomaaliya uu yahay ciidan u abaabulan qaab beeleed.
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali SH Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiligan leedahay qiyaastii 19 kun oo askari balse nasiib darrada tayo la’aanta ciidanka ayuu sheegay iney sabab u tahay ciidamada oo u dhisan qaab beeleed.
C/wali SH Axmed ayaa sheegay in xukuumadii uu hogaaminayey ay isku hawshay sidii loo qaramayn lahaa ciidanka Soomaaliya,wuxuuna shaaca ka qaaday in hadii aysan dowladda Soomaaliya qaramayn ciidanka hadda jira iney meesha ka baxayso Kalsoonidii ay ku qabeen shacabka Soomaaliyeed.
C/wali SH Axmed ayaa aaminsan in hadii la qaraneeyo ciidanka hada jira ee Soomaaliya iney hanan karaan amniga dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, MN,USA.