Muwaadin U dhasey Dalka Turkiga oo Ku Geeriyoodey Xeebta Magaalada Muqdisho.

0
257

Nin u dhashay dalka Turkiga, ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa uu ku geeriyooday Xeebta Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii uu si kedis ahayd ugu dhacay.

Ninkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay Jamal ku yaala badda qarkeeda, xilli isaga iyo nin kale oo Turki ah ay halkaasi ku sheekeysanayeen.

Muwaadinka Turkiga ah ee geeriyooday iyo nin kale oo la socday, ayaa shalay galab booqday dhisme Turkiga ay ka wadaan Nawaaxiga Iskool Buluuziya, halkaasi oo laga dhisayo Isbitaal Turkiga ay dhisayaan.

Xilli ay kuwada sheekeysanayeen Jamalka dushiisa ayaa mid kamid ah labada muwaadin ee Turkiga si kadis ah uu ga dhacay Jamalka, wuxuuna ku dhacay badda, iyadoo ruuxii kale ee Turkishka ahaa aysan suuragal inuu bad-baadiyo balse qeylo dhaan uu diray.

Soomaalida iyo Shaqaalaha Turkiga, ayaa ninkaasi ku baadi goobaaya doomaha nooca dheereeya, inkastoo markii dambe laga quustay raq iyo ruuxba halka uu maray

Abaarihii Salaadda Maqribka, ayaa meydkiisa laga helay Xeebta Liido ee Degmada C/casiis, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore.

Liidolii

Idale News Online, Muqdisho.