Dagaal Khasaaro geestay oo ka dhacay Duleedka Baydhobo Janaay.

0
218

Ugu yaraan Labo Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Dagaal Maanta  ka dhacay Deegaan ku yaalla Duleedka Magaalada Baydhobo, ee Xarunta Gobolka Baay.

Teaser Image Dagaal Khasaaro geestay oo ka dhacay Duleedka Baydhobo

Wariye ku sugan Baydhobo, ayaa Idale News Online u sheegay in Dagaal uu dhacay markii Kooxda Al shabaab ay Weerar Gaadmo ah ku qaadeen Ciidamada DFS & kuwa Ethiopia, xilli ay Howlgallo kawadeen Deegaanka Gasarta, oo ku dhowaan 10Km u jira Baydhobo.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay , ayaa u badnaa dhinacyadii ku dagaalka, waxaan lagu soo waramayaa in hadda Xaaladda ay deggantahay, islamarkaana ay Ciidamada Huwanta ay joogaan Deegaanka.

Ma jirto Mas’uul ka tirsan Maamulka Dowladda ee Baydho oo ka hadlay Dagaalka, hase ahaatee waxa ay Wararku sheegeyaan in Ciidamada DFS & AMISOM ay wadaan Qorshooyin military oo Al shabaab looga saarayo Deegaanada Gobolka Baay

Idale News Online – Muqdisho