Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhoweyd ka dhacay duleedka Muqdisho, gaar ahaan Koontaroolka Siinka Dheer, halkaasoo ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in gaari kuwa yar loo adeegsaday weerarka is qarxinta, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga yar ee is qarxiyay uu ka yimid dhanka Muqdisho, isla markaana galay goob lagu diiwaan geliyo gaadiidka soo galaya Muqdisho oo ciidamada ammaanka ku sugnaayeen.
Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku shaaciyay in weerar ismiidaamin ah ay la beegsadeen koontarool Ciidamada Nabadsugida ku sugnaayeen, ayna ku dileen 20 askari.