Mooto Bajaajta Oo Laga Mamnuucay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay

0
514

Baydhabo(INO)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta magaaladaasi laga mamnuucay inay ka dhex shaqeyso Mootada nooca Bajaajta loo yaqaano.

Hadal kasoo baxay maamulka magaalada iyo saraakiisha amniga ayaa lagu sheegay in Bajaajta aysan ka shaqeyn karin magaaladaasi oo maanta martigelinayso madaxda dalka.

Sababo la xiriira amniga Baydhabo oo aad loo sugayo ayaa la sheegay in maanta iyo Berri mootooyinkaasi shaqeyn karin.

Sidoo kale waxaa jira waddooyinka qaar oo laga mamnuucay inay maraan gaadiidka dadweynaha si loo hantiyo amniga guud ee magaaladaasi.

Ugu dambeyntii, Maanta oo Arbaco ah gaar ahaan gelinka dambe ee maanta waxaa la filayaa in Baydhabo uu ka furmo shirka madasha Wadatashiga Qaran.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay