Dhageyso:Maamulka Degmada Qansaxdheere: “Waa been Al Shabaab nagama dilin 10 Askari”

0
391

Qansaxdheere (INO)—Maamulka Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa beeniyay weerar ay sheegteen Xarakada Al Shabaab oo ka dhacay Degaanka Buulo-Fuur oo lagu Dilay ugu yaraan 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Maamulka Degmada Qansaxdheere, Cabdulle Xasan Saneey oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay tirada dhimashadaasi waxuuna xaqiijiyay in Weerarkaasi ay ku dhinteen labo Askari, islamarkaana uu ku dhaawcmeen  4 kale.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Dagaalkaasi Xarakada Al Shabaab ay uga Dileen ugu yaraan 6 Dagaal yahan oo ka mid ahaa dhaqa dhaqaaqa Al Shabaab.

Waxuu sidoo kale tilmaamay in Xoogaga Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen Degaanka Buulo-Fuuur kadib markii halkaasi ay Weerar xoogan ku qaadeen Xarakada Al Shabaab.

Shalay ayee aheyd markii Xarakada Al Shabaab ay sheegteen in 10 Askari ay ku Dileen, hubna ay ku qabsadeen Weerar xoogan oo ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku la haayeen Duleedka Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay