Mooshin looga soo horjeedo R/W Saacid oo si rasmi ah gudoonka barlamaanka loogu gacan geliyey

0
193

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo ah mid kalsooni kala noqosho ah.

Warar ay goor dhow heshay www.idalenews.com ayaa sheegaya in mooshin ay ku saxiixan yihiin 168 Xildhibaan loo gudbiyay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Mooshinka ayaa waxaa goor dhow geeyay ilaa labaatan Xildhibaan oo uu horboodayay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudeey, iyadoo Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka uu ka gudoomay qoraalka mooshinka.

Wararka ayaa sheegaya in galabta ay shir gaar ah ka yeelanayaan mooshinkan laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Gudi hoosaadyada Baarlamaanka ee ah 15-ka gudi iyo Gudoomiyaha, oo ka sii baaraan degaya ajandaha ugu soo horeeyay ee kulanka baarlamaanka oo ay kaga doodi doonaan.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Mahad Axmed ayaa u sheegay Xildhibaanada mooshinka u keenay inuu yahay mid sharciga waafaqsan, isla markaana 55-xildhibaan ay keeni karaan mooshinka, balse haatan Xildhibaanada soo saxiixay ay tiradaas aad uga badan yihiin.

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa dhigaya in Xildhibaan mooshin saxiixay aanu ka noqon karin, waana mida culeys ku ah Ra’iisul Wasaaraha marka loo eego tirada saxiixday ee 168-ka xildhibaan.

Maalinta Sabtida ayaa la filayaa in Baarlamaanka uu ka yeesho kulan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo salka ku haya mooshinka, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka loo qeybinayo, isla markaana maalinimada Isniinta ay ka doodi doonaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo safar dibada ugu maqan ayaa la filayaa in maalinta berri uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir gudoomiyo kulamada baarlamaanka ee looga doodayo mooshinka ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha.

Inkastoo tirada Xildhibaanada ku saxiixan mooshinka ay aqlabiyad ahaan ay aad u badan yihiin, hadana waxaa la rumeysan in Xildhibaanadan inay taageersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya in ridista Ra’iisul Wasaaraha u adeegsado Baarlamaanka.

mooshin

Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore diiday dalab uga yimid Madaxweynaha oo ahaa inuu is casilo, iyadoo taas ay keentay khilaafka isaga iyo Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu go’aan ka qaato khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo si weyn u gil gilay siyaasada dowladda Soomaaliya.

Idale News  Online