M/kuxigeenka Puntland oo booqday ciidamada Daraawishta ee Taleex (SAWIRRO)

0
185

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Gen.Cabdisamed Cali Shire ayaa maanta booqday taliska ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin duleedka Waqooyi ee degmada Taleex ee gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamadan wuxuuna jeediyey khudbad oo uu ugu hanbalyey difaaca ay ugu jiraan dadkooda iyo dalkooda.

Gen Shire ayaa macno darro ku tilmaamay rag uu sheegay inay hore u shegeen inuusan tegi karay Taleex oo u xusay inay ku aasan tahay xudduntiisu.

Dar daaran adag ayuu ujeediyay ciidamada Daraawishta ee ku sugan halkaasi taasi oo ku aadan in ay difaacan dalkooda dadkooda iyo waliba diintooda.

Waxana uu heegan buuxa galiyay Ciidamadaasi maadama ay jiraan han jabaado kasoo yeeraya dhaankaasiyo Maamulka soomaliland oo iyagu sheegay in xaduudahooda uu soo dhaafay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire oo kusugan Dagmada Taleex.

Idale News Muqdisho