Kulan ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ayna ka soo qeybgaleen dhamaan Malaaqyada Digil & Mirifle, Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada, Qeybaha kala gedisan ee ururada Bulshada DM, Dhalinyarada iyo Waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in ay kalsoonidii ay kala noqdeen dowlada Federaalka Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu Madaxda ka yahay iyagoo ku eedeeyey inuu dhagaha ka furayso baaqyada ka imaanaayey beelaha DM oo si aad ah u diidanaa heshiiska dowlada iyo Maamulka Jubba ay ku gaareen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Malaaq Shiino oo saxaafada la hadley kulankii maanta ka dib ayaa waxaa sidoo kale fariin u diray xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle in ay muddo 24 saac gudahooda ku soo galaan gudaha magaalada Baydhabo haddii kale maamulkooda aysan u ogolaan doonin inay yimaadaan gobolada DM. Si la mid ah waxuu Malaaq Shiino sheegay in wafdi dambe oo dowlada ka socda loo ogolaan doonin inay yimaadaan gobolada ay ka taliyaan.
Dhageyso Wareysiga Malaaq Shiino iyo Shirkiisa Ja’raa’id [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/DM_ooKalsooniKalaLaabasho.mp3]
Idale News Online