Midowga Yurub oo dhaqaale ku bixinaya sidii loo hakin lahaa Muhaajiriinta Somalia

0
221

Brasses ( INO)- Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay dhaqaale ku bixinayaan sidii loo dhimi lahaa Muhaajiriinta Soomaalida ah ee gaara qaar ka mid dalalka kale ee dunida iyo waliba waxyaabaha sababa in ay dadkaasi dalkooda ka tagaan.

Midowga Yurub ayaa ku dhaawaqay in lacag gaareyso 327 Million  oo dollar oo la doonayo in looga hortago dadka muhaajiriinta ah ee dhibaatooyinka badan u mara gaarista dalal kale.

Mashruucaasi lagu bixinayo dhaqaalaha ayaa la filayaa in fursado shaqo iyo nolol wanaagsan loogu abuuro dadka somalida ah oo inta badan gala safaro ka baxsan dalkooda oo ay ku raadiyaan nolol ka duwan tan dalkooda.

Saraakiil ka tirsan Ururka Midowga Yurub ayaa xusay in Mashruucaasi uu qayb ka noqon doono baaritaan lagu sameynayo dadka sida dhuumaaleysiga ah dad u tahriibiya ee gaarsiiyo dalal kale.

Barnaamijkaasi ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u bilowdo horaanta sanadka soo socda ee 2016

Idale News Online, Brasess

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here