Al Shabaab oo laga cabsi qabo in ay weeraro ka fuliyaan Turkey-ga

0
213

istanbul ( INO)-Warbixin uu dhawaan soo saaray wargeyska Milliyed daily ayaa sheegay in ciidamada booliiiska ee dalkaasi ay muujiynayaan feejignaan dheeri ah iyadoo laga cabsi qabo in weeraro uu gudaha dalkaasi ka sameeyo xubin ka tirsan al shabaab oo magaciisa lagu sheegay Bihari kaasoo laamaha ammaanka ee dalkaasi ay sheegeen in uu hore ugu sugnaa Magaalada Istanbuul ee dalkaasi ,Bihari ayaa la tilmaamay in uu hore u gaaray Syria  kadibna uu tagay dalka Turkey-ga.

Warbixin uu dhawaan soo saaray booliiska dalkaasi ayaa lagu sheegay in ay jiraan rag kale oo ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan gudaha dalkaasi kuwaasoo laga baqayo in ka qayb qaataan weeraro is qarxin oo laga sameeyo gudaha Turkey-ga.

Booliska ayaa si weyn u doon doonayo ruux ka tirsan xarakada Al Shabaab oo ay sheegeen in si gaar ah loogu soo tababaray weerar uu ka sameeyo Turkey-ga.

Sarkaal ka tirsan Booliiska Istanbul ayaa sheegay in nin magaciisa lagu sheegay Axmed Ibraahim oo wax ka bartay dalkaTurkey-ga  looga shakisanyahay in uu qayb ka yahay dadka weerarada ka gaysan karo dalka Turkiga

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here