Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, waxaa shalay lagu xukumay rag lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, kadib markii lasoo istaajiyay ragaasi maxkamada ciidamada ee Beladweyne.
Xasan Cali Maxamuud oo da’diisu tahay 17 sano waxa ay maxkamada ku xukuntay shan sano oo xarig ah kaddib markii lagu helay dembi ah in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab, sida uu ku dhawaaqay Xuseen Cabdi Axmed oo ah Guddoomiyaha maxkamadda.
Sidoo kale, hal sano oo dhaqan-celin ah ayay maxkamaddu ku xukuntay Abuukar Yuusuf Xaaji oo da’diisu ay tay tahay 18 jir oo ka tirsanaa al-Shabaab, balse dhowaan isku soo dhiibay ciidamada dowladda.
Maxkamadda waxay dhageysatay maanta dacwad loo heystay eedeysanayaasha kala ah Cabdirashiid Faarax Cabdi (23 jir), Ibraahim Aaden Cumar (22 jir) iyo Cabdirisaaq Axmed Nuur (26 jir), kuwaas oo aan si buuxda loogu caddeyn eedeymo loo heystay, waxayna maxkamadda amartay in la sii daayo, dabagalna lagu sameeyo muddo lix bilood ah.



