Dowlada China oo Ammaanka ka taagyeeraysa Dowlada Soomaaliya.

0
189

ayadoo  Shalay Wafdi ka socda Dowladda Shiinaha ay soo gaareen magaalad muqdisho , isla markaana Kulan ay la qaateen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka Xukuumaddaiyo madax sar sare ee  Soomaaliya aya waxa ay ka dalbadeen Wafdigaasi dowladdu in ay dar dar geliso Howlaha Xaqiijinta Ammaanka ku aadan.

Kulankooda kadib oo Saxaafaddu uu la hadlay Ku  Qunsulka u fadhiya Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya oo Saxaafadda la hadlay  ayaa sheegay in Soomaaliya ay yara soo hagaageyso 22 sano ka hor dhibaatadii ka dhacday dalka, ka dib dgaalo ragaadiyey dalka oo dhan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu qunsulku  waxa uu Carabka ku adkeeyay In dowladda Soomaaliya ay la garab taagan yihiin sara u qaadista iyo Horumarinta Ammaanka Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dadaal xoog leh ugu jirtay baadi goobka taageerada Beesha Caalamka si loo soo celiyo wada shaqeynta Dowladda Soomaaliya  ay lalaheyd Caalamka intiisa kale.

 

Dowladaha  caalamka ayaa hada u soo jeestey wax uqabashada dadka soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka, ayadoo hormuud ka tahay dowlada turkiga taasoo dadk soomaaliya si weyn u la dhacsan yihiin howlaha gargaarka iyo samatabixinta umadda soomaaliyeed ka wadaa  gudah dalka.

Ugu dambeyntii  DF soomaaliya oo hada hogaamiya Mudane xasan sheekh maxamuud ayaa soo hooyisey guulo la taaban karo oo ku adaan dhan taagyeerada caalamka.

800px-Flag_of_the_People's_Republic_of_China.svg

Idale News Online, Muqdisho.