Maxaadan ogeyn oo kusoo kordhay Shirka madasha qaranka ee Muqdisho ?

0
555

Muqdisho (INO)-Waxaa wali magaalada Muqdisho ee Idale News Online Somalia ka socda Shirka wadatashiga Qaran ee looga doodaayay Xuquuqda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare iyo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhici doonto Somalia.

Mid kamid ah Mas’uuliyiinta ku sugan madasha ayaa Idalenews.com u xaqiijiyay in isbedel aad u weyn uu soo wajahay Maamul Goboleedyadii ka biya diidanaa in magaalada Muqdisho lasiiyo maqaamkeeda, waxa uuna mas’uulkaasi tilmaamay in caqabadihii ugu badnaa iminka leyskala soo gudbay.

Waxa uu sidoo kale, mas’uulkaasi ku sugan madasha xaqiijiyay in maamul Goboleedyadii ka biyo diidanaa Maqaamka Muqdisho ay hadda qaarkood soo yara dabceen ayna ogolaadeen qeyb ahaan xuquuqda Gobolka Banaadir ay ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka balse wali ismaandhaaf uu ka taagan tiro ahaan suda wax loogu qeyb sanayo xuquuqda Muqdisho.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa cod dheer ku sheegay inay qaaten in Gobolka Banaadir lagu biiriyo aqalka sare, balse aysan qaadan doonin in tirro ahaan Xubnaha uu Gobolka Banaadir yeelan doona ka badnaado maamulada kale.

DR. Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay inaanu isku darsan doonin tanaasul iyo tirro yari dhanka Xubnaha Puntland ay ku yeelan doonto Baarlamaanka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa xooga saaraaya sida maanta lagu soo afmeeri lahaa shirka, waxaana lasoo sheegayaa in Khilaafka ugu badan uu yahay mid isugu soo uruuray Cadadka Gobolka Banaadir laga siin doono Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii, Ma cadda waxa kasoo bixi doona shirka maanta la saadaalinaayo in lasoo afjaro.

La soco wixii kusoo kordha wararkeena danbe

Idale News Online, Muqdisho