Muqdisho (INO)-Saraakiisha Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose kusoo bandhigay Meydadka Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.
Meydadka lasoo bandhigay ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 4 kuwaasi oo la sheegay inay ku dhinteen duqeymo xalay Diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Buulo gaduud oo Qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo.
Maleeshiyaadkaani meydadkooda lasoo bandhigay ayaa ilaalo u ahaa mid kamid ah Horjoogayaashii lala beegsanaayay duqeynta.
Meydadka ayaa waxaa kamuuqday rasaas farabadan halka qaarna ay jarjarmeen.
Idale News Online, Muqdisho