1. Caasimadda dalka Afganistan ee Kabul: Waa magaalo xilligan bilawday dib-u-dhis iyo habaynta kaabayaasha dhaqaale, balse waxa la ogyahay in aanay lahayn waxyaabo soo jiidan kara dalxiisayaasha, waxaanna si joogto ah maalin walba uga dhaca qaraxyo iyo weeraro Daalibaan fuliyo, dadka ajnabiga ahna waa kuwo si gaar ah loo bartilmaameedsado, waxayna noqotay caasimadda ugu khatarsan adduunka.
2. Muqdisho, Soomaaliya: Waxa aan maskaxda dadka reer galbeedka ka baxay burburka diyaaraddii Maraykanku lahaa ee Black Hawk Down oo xilligii hoggaamiye-kooxeedyada lagu soo riday Muqdisho, lagana sameeyey filin aad looga daawaday adduunka. Muqdisho waxay bilaa sharci iyo dawlad la’aan ahayd muddo ka badan 20 sanno, waxaana ka dhaca weeraro iyo qaraxyo Al-shabaab fuliso.
3. Acapulco, dalka Mexico: Waa magaalo ku taal wadanka Mexico oo xad la wadaaga dalka Maraykanka, waana meel halis ah oo kaalinta 3aad kaga jirta magaalooyinka ugu khatarsan adduunka, dambiyada daroogada la xidhiidha ayaana si joogto ah uga dhaca, iyadoo sidoo kale ay ku loolamayaan kooxaha ka ganacsada mukhaadaraadka, waxayna ka mid tahay meelaha ugu dilalka badan caalamka. Afduubka, ka ganacsiga dadka iyo fal-dambeyeedyada khatarta ah ayaa xarun u ah magaaladaas.
4. Caasimadda dalka Venezuela ee Caracas: Kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii dalka Venezuela (Fenesiweela), Hugo Chavez, waxa magaaladaas hadheeyey dambiyo kala duwan oo si joogto ah uga dhaca, mudaharaado lagaga soo horjeedo dawladda ayaa ka dhaca, heerka dilalkuna wuxuu marayaa meel halis, iyadoo sidoo kale nolosheeduna aad u qaalisan tahay, maraysana meel aan waxba laga qaban karin.
5. Magaalada Distrito Central ee dalka Honduras: Waxa magaaladani noqotay mid heerka dilalku noqdeen kuwa ugu sareeya caalamka, afduubka dadka ajnabiga ah, dilka dadka rayidka ah iyo dagaalka daroogana ayaana meel halis ah maraya.
W/Turjumay Ibrahim Khadar Siciid.
Idale News Online.