QM oo ka digtay qorshaha Somaliland ay ugu sameeneyso ciidamo ilaaliyaha goobaha shidaalka laga qodaayo.

0
186

Haddaba warbixintan ayaa loo gudbiyay Qaramada Midoobay waxaana qoray Jarat Chopra oo madax ka ah guddiga cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Wuxuu ka digay qorshe ay Somaliland ku diyaarinayso ciidamo gaar ah oo loogu tala-galay in ay sugaan ammaanka shaqaale ajnabi ah, kuwaasoo shidaal ka baari doona gobollada lagu muran-sanyahay ee maamulkaas u la wadaago Puntland.

Qabiirkan aaya warqada diray May 27, waxaana loo diray Qaramada Midoobay isagoona walaac xoog leh ka muujiyay qorshahan oo dhibaato iyo xasiloonni darro ku keeni kara amiga geeska Afrika sida lagu xusay  .

“In ciidamo noocaas ah la geeyo goobahaas waxa ay kor – qaadi kartaa khilaafyada gudaha iyo kuwa dibaddaba waliba hadii aan arintan si gaar ah taxadar looga muujin “ayuu ku yiri waraaqdan oo loo diray xubnaha ugu sareeya ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta waxay si gaar ah uga hadashay xiisadaha  ka dhalan kara in shirkado ajaanib ah ay gobolka iska soo galaan iyaga oo oglaansho ka helaya Hargaysa, waxaana maamulka Somaliland culayska ugu badan ee  arintan ay kala kulmayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidda lagu sheegay warbixinta, Maamulka Somaliland ayaa hore u sii qorsheeyay soo xulidda ciidammo gaaraya 420-askari muddo afar bilood gudaheed ah ,kuwaas oo  tababbaro kala duwan haysta si ay u ilaaliyaan shaqaalaha shirkadaha Ajaanibta ah.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa isku heesta dhul ay ka buuxaan shidaal oo ku yaalla gobalada waqooyiga.

Ciidamada Somailand oo socod ku maraya waddooyinka iyagoo xusay sannad guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka go'een Soomaaliya 18-ka May 1991

Idale News Online.