Madaxweynaha Soomaaliya& Wefdi Ka Socodey Itoobiya Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Dhexmarey Baydhabo

0
190

Baydhabo(INO)- Warar uu Shabakada Idale News Online  ka helay Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada dawladda Soomaaliya & Shaqsiyaad ku sugnaa magaalada Baydhabo, waxaa shalay shir gaar ah yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Itoobiya & Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud, oo labaduba halkaas u tagey ka qeybgalka Caleema Saarka Gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararkan oo ah kuwa xasaasi ah ayaa la xaqiijiyey in uu kulankan qaatay saacado dheeraad ah, ayna labadaan masuul si gaar ah isku arkeen, iyadoo la rumeysan yahay in uusan wanaagsaneyn xariirka u dhaxeeya dawladda faderaalka ee hada xilka haysa iyo dawladda Itoobiya.

Arrimaha sida aadka ah looga wada hadlay ayaa ah aragtiyadii ay kala qabeen dhinacyada Siyaasadeed ee dalka, Shirkii Kismaayo ee fashilmay iyo wada shaqeynta labada dhinac, waxaana si adag dawladda Itoobiya ugu soo gudbisay Madaxweynaha Soomaaliya mawqifkooda ku aadan Siyaasada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa u sheegay Madaxweyne Xassan Sheekh in aysan Itoobiya aqbali doonin wax mudo kororsi ah oo ay sameystaan hay’addaha dawliga ah ee dawladda Soomaaliya, sidaas oo kalena ay doonayaan in meel dhexe lays kugu yimaado, lana soo jaro kala aragti duwanaanshaha hada muuqda ee xoogeystay dhawaan.

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu balan qaaday in aragtiyadu isku soo dhawaan doonaan go’aan kama dambeys ahna laga qaadan doono xaalada hada taagan, iyadoo ugu dambeynta heshiis guud uu dhici doono, isagoo sheegay in sadex maalmood ee nagu soo aadan ay kulmi doonaan Madaxda Siyaasada Soomaaliya.

Sidaas oo kale Xassan Sheekh ayaa u balan qaaday dawladda Itoobiya oo wakiil ka ahayd Urur Gobaleedka IGAD in uusan dhici doonin wax mudo kororsi ah oo ay sameysto dawladda hada xilka haysa, loona baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Ugu dambeyntii,Kulankan oo si gaar ah u dhacay saxaafadana laga dheereeyey, wuxuu ku soo beegmay xili ay shalay Beesha Caalamku sheegtay in aysan aqbali doonin sida ay hada wax ku socdaan, loogana baahan yahay Hogaamiyaasha Soomaalidu in ay si dhaw u gartaan danta Ummadda Soomaaliyeed.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here