Dhageyso: Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Ka Tacsiyadeeyey Geerida Malaaq Gaabow Oo Ku Dhintey Degmada Tiyeeglow

0
306

Baydhabo(INO)- Gudoomiye Ku xigeen labaad ee Baarlamank Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Nuur Macalin Xildhibaano iyo Waxgarad ayaa Maanta tacsi tiiraanyo leh ka direy geeridda rabbi ha u naxariistee Malaaq Gaabow oo ku geeriyoodey Degmada Tiyeeglow Ee Bakool.

Malaaq Gaabow ayaa  Shaley Duhurkii  ku geeriyoodey magaalada Tiyeeglow e ee gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka KGS ayaa yiri “ Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, si weyn ayaan uga naxney geerida Malaaq Gaabow oo mudo 62 ahaa Malaaq oo si weyn looga yaqaano Bakool,  geeriddu waa xaq waana mid dadka oo dhan wada sugeysa,  waxaana uu tacsi u direy dhamaan umadda  KG Soomaaliya, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii Ugaas.

Xildhibaanada iyo waxgaradka ayaa sheegeen in lagu xasuusan doono doorkii uu ka qaatey nabadeynta Beelaha Gobolka Bakoolee Soomaaliya iyo sida uu u soo dhaweyn jirey dadka martida ah.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here