Mawaacinada Dowlada Turkiga Keentey Muqdisho Oo La Sheegey In La Musuq Maasuqey

0
400

Muqdisho(INO)- Iyadoo lagu gudo jiro dhamaatka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa jirta in si rasmi ah ay u bilowmatay bixinta raashiin baaxad weyn oo dowlada Turkiga ay ugu tallagashay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed kuwooda tabaaleysan.

Macaawinadan baaxada leh ayaa waxaa jirta in beel la qaraabo ah wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee dowlada federaalka Soomaaliya, in ay si gaar ah u daldalanayaan iyagoo hadba magacyo gaar ah kusoo qaadanayo, taasoo isagana uu dhankiisa ka fududeeynayo wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha federaalka Somalia.

Waxaa hubaal ah oo jirta in dhowr gaari raashiin ah ay ku xareeysteeen Beeshan wasiirka la qaraabada ah baqaaro u dhow barxada yoobsan ee degmada Xamar Jajab taasoo aysan u bixin sidii loogu talagalay balse ay beeciyeen.

Arintan ayaa wallaac wax ka muujiyay beelo la deegaan ah wasiirku xigeenka wasaarada arimaha gudaha kuwaas oo magacooda lagu soo qaaday balse aan waxba laga siin.

Ugu dambeyntii,  Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale Muqdisho looga takri fallo macaawino, iyadoo hadba wasiirkii xilka hayo markaasi, beeshiisa u dhow ay dheegfsato macaawino loogu talagalay dad tabaaleysan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay