Afgooye ( INO)-Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Gaari nuuca Booyada ah Ciidamada looga gubay deegaanka Cadow Dibille ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gaariga Booyada ayaa la gubay kadib markii Dagaalyahanno Hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay soo weerareen , xilli ay ku sii jeeday halka loo yaqaanno Laanta Buuro oo Ciidamada dowladda ay Saldhig weyn ku leeyihiin.
Al Shabaab Garneelada Garabka laga rido la haleelay booyada oo sida uu Shabelle u xaqiijiyay Guddoomiyaha deegaanka Mareereey Siidow Baalley.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in illaa 8 Askari oo Ciidanka dowladda ka tirsan ay la socdeen Booyadaasi walow uusan heynin faah faahin la xiriirya khasaaraha nafeed sida uu sheegya.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sii xoogeysanayay in dhawaanahaan weerarada Al Shabaab ay Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku Bartilmaamsadaan.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay