Maryam Qaasim oo sheegtay in ay ay qaban doonto wasaaradeedu Shirweyne caafimaad

0
300

drs-maryam-qaasim-300x225Drs Maryam Qaasim oo wasiirka horumarinta adeega bulshada ayaa maanta waxa ay u sheegtay Saxaafada dalka in ay dhawaan qaban doonto wasaaradeedu  Shirweyne caafimaad oo Muqdisho ka dhacaya kaas oo lagu casuumaayo xirfadlayaasha caafimaadka ee Soomaaliya si ay fikir ugu soo biiriyaan howl gelinta mashaariicda caafimaadka ee dalka.

“Waxaan dhawaan qaban doonaa Shir-weyne caafimaad oo aan magaaladaan Muqdisho ku marti geli doonno. Waxa aan ku marti qaadi doonaa si ay ugu gogol xaaraan hanaan caafimaad oo leesku haleyn karo, Xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed, dal iyo dibadba halka ay ku suganyihiin,” Qaasim oo wasiirka horumarinta adeega bulshada ayaa ka sheegtay shir ay saxaafada u qabatay.

 

Waxa ay sheegtay wasiirku in dalka ay kusoo fool leeyihiin mashaariic fara badan oo ay kamid yihiin Qaabeynta adeega caafimaadka Soomaaliya iyada oo intaa raacisay in Baahinta caafimaadka Soomaaliya aysan wasaarada kaliya u xil saarneyn hasa yeeshee  xirfadlayaashuba masuul ka saaranyahay.

Ma sheegin Drs Qaasim waqtiga rasmiga ah ee shir-weynahaasi dhacaayo iyo inta maalmood ee uu socanaayo hasa yeeshee waxa ay horay wasaaradeedu u qabatay kulankaan ay balan qaaday mid lamid ahaa oo looga hadlaayay wax barashada dalka.

Si kastaba, waxaa balan qaadkaan aad u soo dhaweynaya xirfadlayaahs caafimaadka Soomaaliyeed oo daneynaya in ay dalka ku hagaan wadiiqa caafimaad oo loo aayo maadaama dalku uusan laheyn jadwal caafimaad oo laga tashaday in ka badan labaatan sano.

Idale News Muqdisho