Muqdisho(INO)- Iyadoo xusul duub weyn loogu jiro helitaanka kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa Marwo Saynab Siid Cali Xaaji (Seynab Doobiyo) oo ka mid ah Qurbo Joogta Soomaaliyeed Ee Dalka UK Isla markaana kana mid ah Musharaxiinta doonaynaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee bedelaya kan hadda shaqeeya ayaa si rasmi ah uga dhawaaqday in tahay murashax u taagan xilkaas Ee Xubnaha BFS Ee Beesha Biimaal.
Musharaxad Marwo Seynab Doobiyo ayaa shirar kala duwan la qaatay Nabadoonada, Malaaqyada, Culimaa’udiinka, ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Ee Beesha Biimaal Ee Degto Gobolada Koonfurta Soomaaliya waxayna ka Codsatey in ay u hiiliyaan Maalinta Codbixinta.
“Haddii aad ii Xulataan inaan wakiil idinkaga noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2016 Waxaan ka fekiri doona Horumarkiina, waxaana aan idiin ballan qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyiinna kala duwan ee aasaaska u ah nolosha dadka iyo deegaanka” ayey tiri Maamo Seynab Doobiyo.
Musharxa Marwo Seynab Doobiyo oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegday in deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Gaar ahaan Gobolka Shabellaha Hoose ay yihiin dhul taariikh fog oo eebbe ku maneystay kheyraad kala duwan, waxayna xustay in hadii ay booskaaasi ku guuleysato xoogga saari doonto sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee dhinacyada caafimaadka, Arimaha Haweenka, waxbarashada, Shaqo abuur kana shaqayn doono sidii wax badan looga bedeli lahaa Siyaasada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Amaanka, Dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee Bulshadda ayadoona cadeeysay inay tahay xildhibaan matalya Gobolka Shabellaha Hoose Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Odayaashii iyo waxgardkii ay la kulantey musharaxada ayaa sheegeen inay taageersanahiin Musharaxnimada Marwo Saynab Doobiyo inay u matasho Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dhammaadka Sannadkan ayagoo sheegay inay aqbaleen codsigeeda.
Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Biimaal musharaxad ayaa sheegeen in uu tahay Aqoonyahanad Sare oo Ka Soo Baxdey Jaamaacadii Lafoole Ee Soomaaliya isla markaana booskaasi kasoo bixi karto, wax badana kusoo kordhinaysa dadka iyo deegaanka iyadoo qaar badan oo waxgaradkaa ka mid ah ay sheegeen haddii ay ka mid noqdaan Ergada 51-da ee wax Dooraneysa Codkooda ay siin doonaan Marwo Seynab Siid Cali Xaaji (Seyabab Doobiyo).
Dhinac kale Marwo Seynab Siid Cali Xaaji ayaa waxay dhaliilshey sida loo soo xulaayo ergada Beesha Biimaal Ee wax doonaysa waxayna sheegdey in ilaa iyo haatan aan lagu darin Jifafeeda ergada isla markaana waqtigu uu sii dhamaanayo, waxayna sidoo kale tilmaamtey in sanadkii hore laga musuq maasuqey Ka mid noqoshada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna ka digtey in aysan dhicin musuq maasuq iyo laalush.
Ugu dambeyntii, Siyaasiyadan Khibrada Sare leh waxay xilal ka duwan kasoo Qabatey Jamuuriyada hore Ee Dimuqraadiga Soomaaliya, waxay noqotey Gudoomiyihii Tirakoobka Degmada Qoryooley Ee Wasaarada qorsheynta Augt 1974 – Nov 1975, sidoo kale wasaaradii dalxiiska waxayna oo ka soo noqotey qasnajigii hotel Safaari Dec 1975 – 1981 , waxa kale la soo shaqeysay shirkada impresa pessina 1981 – 1984 waaana aqoonyahanad waxbarasho aad u sareeyso iyo waayo aragnimo siyaasadeed leh isla markaana in badan ku soo jirtay siyaasada Dalka saaxibo badana ku dhex leh DFS.