Mareykanka oo sheegay Afar xubnood oo Shabaab ka tirsan inuu ku dilay Duqeyn ka dhacday Somaliya

0
180

Washington(INO)- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Duqeyn ka dhacday gudaha dalka Somaliya in lagu beegsaday Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab, Duqeyntaasi oo ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose.

Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Taliska Afrika Captain Jennifer Dyrcz, a ayaa u sheegtay Warbaahinta howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Toora toorow, Isniintii aynu soo dhaafnay in lagu beegsaday Saraakiil Shabaab ka tirsan.

Waxa ay sheegtay Afhayeenada howlgalkaasi inay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Somaliya iyo ciidanka Mareykanka, intii howlgalka uu socdayna ay la kulmeen iska caabin Shabaab dhankooda kaga timid.

“Howlgalkaasi waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Somaliya iyo ciidamadeena Mareykanka, waxa ay beegsadeen Saraakiil Shabaab ah, intii aan ku guda jirnay howlgalka iska caabin kooban ayaa nooga timid dhanka Ururka Al Shabaab.” Ayeey tiri Captain Jennifer Dyrcz.

Waxa ay cadeysay howlgalkaasi in lagu dilay Afar xubnood oo Shabaab ka tirsan, balse aysan shaacin magacyadooda, waxaana ay tilmaamtay Bartilmaameedka howlgalka inuu ahaa Saraakiishaasi.

Dowladda Somaliya ayaa Todobaadkan sheegtay in howgal qorshaysan oo ay ka qeyb qaateen ciidamo Ajaanib ah in ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Madaxii Shabeellaha Hoose u qaabilsanaa Al-Shabaab , Madaxii Canshuuraha , Madaxii Garsoorka Shabeelaha Hoose iyo xubno kale

Mareykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha dhanka cirka ah oo ay ku beegsadaan Saldhigyada Al Shabaabka ay ku leeyihiin Koonfurta Somaliya.