Wasiir Caynte “Qaadka la joojiyay wax saameyn ah kuma yeelanaayo xiriirka Kenya iyo Somaliya”

0
190

Muqdisho(INO)_ Iyadoo Dowladda Federalka Somaliya si KMG ah u joojisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, islamarkaana arintaasi saameyn badan ay ku yeelatay ganacsatada qaadka ee gudaha Somaliya iyo kuwa Kenya, ayaa Xukuumadda Somaliya waxa ay sheegtay qaadk la joojiyay ee Kenya inuusan saameyn ku yeelanayn xiriirka Somaliya iyo Kenya.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Cali Caynte ayaa sheegay in wax saameyn ah uusan ku yeelaneyn xiriirka Somaliya iyo Kenya qaadka la joojiyay.

Wuxuu sheegay Wasiir Caynte joojinta qaadka inay tahay arin si weyn ay uga baaran dagtay Dowladda Federalka Somaliya iyo Hay’adaheeda ay quseyso arintaan oo ay ka mid yihiin, Wasaarada Gaadiidka, Wasaarada Arimaha Dibada iyo Wasaarada Amniga.

Caynte ayaa tilmaamay Xiriirka Somaliya iyo Kenya ka dhaxeeya inuu yahay mid ka weyn arimaha Qaadka, islamarkaana qaadka ay leeyihiin Shaqsiyaad ganacsato ah oo gudaha Somaliya soo geliya.

“Waxba uma dhibayso Cilaaqaadka Kenya kala dhaxeeyo Somaliya oo intaasi wuu ka ballaaran yahay, qaadkana Dowladda Kenya kama yimaado oo Ashqaas ganacsato ah ayaa Somaliya keena, Kenya kaliyana wax kuma dheefaan oo dad badan oo Somali ah ayaa dheef ka hela qaadka, dhibkiisa iyo dheeftiisa waa leeyahay, go’aanka lagu joojiyay qaadka Hay’adaha ay quseyso in wax laga weydiiyo ayaa fiican, laakiin waxaan kuu sheegayaa xiriirka Kenya iyo Somaliya intaasi wuu ka weyn yahay.” Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Somaliya.

Saameynta Joojinta qaadka ka dhalatay ayaa si weyn looga dareemayaa Gobolka Meru ee qaadka uu ka soo baxo dalka Kenya, waxaana niyad jab weyn ay ku noqotay arintaasi ganacsatada qaadka u soo dhoofiya Somaliya.

Dowladda Somaliya ayaanan si cad u sheegin xilliga rasmiga ah ee qaadka xayiraada laga qaadaayo, maadaama ganacsato badan ay ku tiirsan yihiin noloshooda ka ganacsiga qaadka.