Maddaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Ugandha

0
184

Maddaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Ugandha oo ay wehliyeen saraakiisha AMISOM, kuwaasoo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxaa uu uga mahadceliyey xildhibaanada Uganda booqashadooda Muqdisho waxaana uu yiri “Uganda waa wadan aan aaminsanahay inay yihiin wallaalo dhiigooda noo huray, mana ilaaweyno, waa wadankii ugu horeeyey ee Soomaaliya u soo gurmada, tanoo muujineysa wallaaltinimada dhabta ah”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Uganda Yoweri Museveni inuu yahay Hogaamiy Afrikaan ah oo muujiyey hoggaamin dhab ah, isla markaana ka dhabeeyey in wallaalaha Afrikaanka ay xalin karaan mushaakilaadka Afrika. Madaxweynaha ayaa warbxin kooban siiyey wafdiga soo booqday oo uu yiri “Waxaa naga go’an inaan dadaalkii wallaalaha AMISOM u gudno, isla markaana aan dalka Soomaaliya ku soo dabaalno amni iyo kala danbeyn. Waxaan hiigsaneynaa in 2016 aan doorashooyin xor ah qabano isla markaana aan caalamka kaalintii aan ku laheyn aan soo ceshano. Soomaaliya waxuu ahaan jirey dal qani ah isla markaana soo taageeray dalal badan oo Afrika ah oo ay ka mid tahay Ugandha.”

Wafidga xildhibaanada dalka Uganda ayaa iyagana uga mahadceliye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulanka, isla markaana gaarsiiyey fariin ay uga sideen baarlamaanka iyo Madaxweynaha Uganda.  Sidoo kale waxey sheegeen Gudiga difaaca iyo arrimaha gudaha Baarlamaanka inay Muqdisho ku arkeen horumar ballaaran iyo sida ciidamada Uganda ay rajo weyn uga qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.  Waxaana ay sheegeen in Soomaaliya iyo Ugaandha ay yihiin wallaalo, isla markaana horumarka ballaaran oo ay arkeen ay warbixin ka siin doonaan Baarlamaanka iyo Dowladda Uganda.

Uganda ayaa ahaa dalkii u horeeyay ee ciidamo u soo diray Soomaaliya, waxaana ka jooga kumanaan askari oo ka qeyb qaadanaya howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Idale News Online Mogadishu