Malaaq Shiine ” Adeer Isniinta ayaa la Dooranaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed somaaliya”.

0
200

Baydhaba Janaay: Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo kamid ergooyinka ku howlan dhisida Maamulka lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah oo berito ah ay soo dooranayaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya.
Malaaq Shiino oo la hadlay Warbaahinta , ayaa wuxuu sheegay in hada aysan joogin meel ay ka noqdaan ama wadahadal ay ku galaan, maadaama muddo shirkan ay usoo fadhiyeen natiijadiisana ay iminka dhawdahay.

Wuxuu sheegay in shalay Musharaxiinta ay soo jeediyeen waxqabadkooda ku aadan hadii la doorto waxyaabaha ay qabanayaan, waxaana uu sheegay in musharaxiinta u taagan maamulka Koonfur Galbeed ee lixda Gobol ah ay gaarayaan ilaa 6-Musharax.

Raga ugu cad-cad ee Musharaxiinta ah ayaa waxaa kamid ah Madoobe Nuunoow Maxamed oo Wasiir iyo Xildhibaan kasoo noqday Dowladihii dalka Soomaaliya soo maray iyo sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobalka Baay C/fataax Geeseey.

Shalay waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Aadan Saransoor, iyadoo ujeedka wafdigaasi ay tahay isku soo dhaweynta shirarka kala duwan ee ka socda Baydhabo ee maamulada isbar-bar yaacaya looga dhisayo.

malaaqyada DM

Idale news Online,Baydhaba