Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashadii 3aad ku tagaya magaalada London ee Caasimada Britain, halkaasoo uu kaga qeyb galayo Shirka G8 ee dalalka ku hormaray Warshadaha oo lagu casuumay.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa galabta garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday Diyaarad gaar ah, iyadoo ay ku sii sagootiyeen sida caadada ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Saacid.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalka G8 ee shirka London ka dhacaya ka qeyb galaya, iyadoo si gaar la filayo in Madaxweynuhu u soo bandhigayo dalalka horumaray inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya, kana qeyb qaataan dib u dhiska.
Bishii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga qeyb galay London shirkii ay wada gudoomiyeen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron, kaasoo ahaa shirkii labaad.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu marti qaado qaado ka qeyb galka shirka wadamada ku horumaray warashadaha ee G8-ka.