Magaalada St. Louis ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka. fal toogasho ah waxa uu Nin Soomaali ah ku dilay Afar qof oo saddex ka tirsan ay Soomaali ahaayeen iyo qof kale oo ajanabi ah ka hor inta uusan isaguna is dilin.
Warbaahinta NBC news ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in falkaasi uu dhacay Khamiistii 1:30 habeenimo xilliga dalka Maraykanka.
Booliska gobolka Missouri ayaa sheegay in ay heleen meydka ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jiray Axmed Dirir da’diisu ay ahayd 59 jir, isla markaana agaasime ka ahaa xarun ay howsheedu tahay daryeelka caafimaadka oo lagu magacaabo AK Home Health Care LLC.
Booliska ayaa sidoo kale helay meydadka seddexda qof oo kala ahaa Khadra Muuse oo 44 jir ahayd, Saciid Cabdalla oo 29 jir ahaa iyo haweeney la oran jiray Bernice Solomon-Redd 00 54 Jir ahayd.
Capt. Michael Sack ayaa warfidiyeenada u sheegay in kaamerada ammaanka ay soo bandhigtay muran dhex maraya ninka hubeysan iyo seddexda qof ee kale ka hor inta uusan rasaasta ku furin.
Ninka ayaa la sheegay in uu falka dilka ah u isticmaalay qori sida darandooriga u dhaca sida uu soo bandhigay muuqaalka video-ga ah.
Dilalka lagu fulinayo qoyasha fudud ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo badanayay dalka maraykanka,waxana ay dowlada ku howlan tahay sidii loo xadidi lahaa gadashada hubka fudud oo caadi ka ah dalka maraykanka.
Idale News Online