Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa Soomaalida deggan waqooyiga dalka ee Hargaysa, oo calankan laga taagay” .

0
162

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay xalay munaasabadda calan saarka 26-ka Juun oo ku beegnayd saqdii dhexe ayaa ka hadlay xornimadii gobalada waqooyi ay ka qaateen Ingariiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad ugufaraxsan yihiin 26-ka Juun in ay xusaan isla markaana ay ku damaashaadayaan xornimo ay u soo dhinteen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan u hambalyeynayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Hargaysa, waqooyiga Soomaaliya oo ah meesha calankan laga taagay waan u hambalyeynayaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha Jambhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay u dabaaldegaan todobaadka xoriyadda, madaxweynaha ayaa soo hadal qaadin Somaliland isagoo ku gaabsaday “Umadda degta waqooyiga Soomaaliya ee Hargaysa”

Hadalkan xalay wuxuu ka sheegay munaasabad lagu weyneynayay 26-Juun oo umadda Soomaaliyeed ku ah taariikh aad u weyn.

Xasan SHEEKH

Idale News Online, Muqdisho.