Hogaamiyaha Lixdaa Gobol Madoobe Nuunow Maxamed ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa waxaa loo magacaabay mudane Ibraahim Cali Bayow, halka Wasiirka Wasaarada Amniga loo magacaabay mudane Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black).
21-kii bishan June ayey aheyd markii uu Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow uu xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/fitaax Ibraahim Geesay iyo Wasiirkii hore Dowladaha Hoose iyo reer Miiga Shiine Macalin Nuunow kadib markii ay sameeyeen khayaano ayna baal mareen Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halka Hoose Ka Akhriso Dikreetada Kasoo Baxday Xafiiska Madoobe Nuunow.