Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa galabta u ambamaxay magaalada Adis-Ababa dalka Ethiopia.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii Sagtootiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ” Jawaari” xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.
U jeedkA safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa eek u wajahan dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in uu Madaxweynuhu uu magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu kulan balaaran kula yeelan doono wufuud caalami ah,iyagoo ka wada hadli doona arrimo quseeya xaaladda dalka.
Waxana sidoo kale Madaxweynaha uu Dalka Jarmalka u tagay baaris dhanka caafimaadkiisa ku saabsan maadaama sida uu sheegay Madaxweynaha uusan isbaarin 3-Sano ee la soo dhaafay ama uusan hubin Caafimaadkiisa.
Idale News Online, Muqdisho,