Wednesday, March 19, 2025
Home Idale Somali News Update Daawo: Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Howlaha Guud& Dib U Dhiska OoMaanta Xilka...

Daawo: Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Howlaha Guud& Dib U Dhiska OoMaanta Xilka La Wareegey

0
251

Muqdisho(INO)-Wasiirka Wasaaradda cusub ee Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xilka wasaaradas la wareegay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho.

saalax shekh

Mudane Eng. Saalax Sheekh Cismaan Muuse, ayaa xilka wasaaradda kala wareegay wasiirkii hore  Marwo Nadiifo Maxamed Cismaan, iyadoo xafladda xil wareejinta ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka tirsan labada gole iyo shaqaalaha wasaaradda.

Warwo Nadiifo Maxamed Cismaan, ayaa sheegtay in waxyaabo badan oo dib u dhiska iyo dardargelinta howlaha wasaaradda ay kamid yihiin ay u qabsoomeen muddadii ay xilka heysay, waxayna howl-wadeennada wasaaradda howlaha guud kala dardaarantay in ay wasiirka xilka qabtay la shaqeeyaan.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dalka Mudane  Eng. Saalax Sheekh Cismaan, ayaa isna ballanqaaday in uu horay u sii wadi doono howlaha horyalla Wasaaradda.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here