Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Rajo Ka Qaba Inuu Ku Guuleysto Doorashada Dalka Ka Dhacaysa

0
355

Muqdisho (INO)- Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo u xilligan waqtiga uga harsan-yahay wax ka yar labo bilood ayaa muujiyay sida uu u doonayo mar kale inuu dalka maamullo.

Xasan Sheekh waxuu sheegay inuu rajo wanagsan ka qabo mar kale inuu ku soo baxo doorashada dalka ka dhacaysa dhammadka sanadka,isagoo marka sheegay inuu waxbadan usoo qabtay dalka.

“Anniga doorashadeyda,dabcan isma xukumi karo dadka Soomaaliyeed ayaa i xukumi doona iyo baarlamaanka imaan doona,Lakin rajo badan ayaa ka qabaa dadka Soomaaliyeed fursad kale,maaddama aan aaminsanahay in aan wax fican dalka usoo qabtay oo fursad kale la ii siin doono,”ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha waxuu sheegay inay u dhici doonto doorashadaas si ka madax-banaan musuqmaasuq, waxaana kasoo qayb-gelaya kormeerayaal caalami ah.

“Dowladeydu waxay xoogga saari doontaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, waana sababta uu nidaamka dowliga ah u jiro, mana dhici doonto wax musuq-maasuq ah, ayuu yiri.

Xasan oo wax laga waydiiyay cida uu doorashada u saadalinayo inay ku soo bixi karto,waxuu sheegay inuusan ka hor-dhici karin maaddama markii uu soo baxayay sanadkii 2012 aysan cidna fileen inuu noqon doono madaxweyne,sida uu sheegay.

Dabayaaqada sannadkan 2016-ka, waxaa la filayaa inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho ku saleysan hannaanka 4.5-ka ah,Waxaana ka qayb-galaya musharrixin uu ka mid yahay madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay