Muqdisho(INO) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto ku magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka, iyadoo wareegtada lagu xusay in markii uu madaxeynuhu arkay Qodobka 87-aad ee Dastuurka DFS, farqadda koowaad – xaraf C iyo farqadiisa Labaad.
Markuu arkay Qodobka 90-aad ee dastuurka – xarafkiisa K. Markuu ogaaday: baahida loo qabo dhameystirka dhisidda hay’adaha dowladda federaalka Somalia. Markuu tixgeliyay Aqoonta iyo Waayo-aragnimada uu mudanaha xilka loo magacaabay u leeyahay, Xisaabaadka Hay’adaha Dowladda Somaia oo uu muddo dheer kasoo shaqeynayay. Wuxuu Madaxweynuhu soo saaray xeerkan:
Qodobka Koowaad: Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu Saxiixo Xeerkan, waxaa Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) loo magacaabay inuu noqdo Xisaabiyaha Guud ee Qaran. Siraaji ayaa muddo ka badan 3 sano wareegto tan la mid ah loogu magacaabey, ka dib markii xisaabiyihii guud ee dowlada uu noqday Xildhibaanada ee dowladaaan Federaalka. Waxaa Wareegtada 3 sano ka hor lagu magaacabey Siraaji saxiixay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo markaasi xilkaasi ka sii dagaayey, tan iyo muddadaasna Siraaji ayaa ahaa Xisaabiyaha Guud ee Qaran.
Magacaabista Madaxweynaha uu magacaabey Siraaji inuu noqdo Xisaabaha Guud ee Qaranka ayaa meesha ka saareysa hadalkii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu ku sheegay in magacaabista kaabayaasha dhaqaalaha dalka aysan noqon doonin mid degreeto lagu soo magacaabo hase ahaatee imtixaan iyo khibrad dhaqaale lagu kala reebi doono iyadoo saxaafada dowladana lagu faafin doono jagooyinka muhinka ah ee dowlada.
Qodobka Labaad: Xisaabiyaha guud ee dowladda wuxuu mas’uul ka yahay si madax-bannaan Xisaabaadka hay’adaha dowladda iyo inuu la socdo qarashka dowladda ay bixiso iyo ilaalinta wixii ah hanti lacageed oo ah keydka dowladda Somaia.
Qodobka Saddexaad: Wixii howlo, xuquuq iyo maamuus ah waxaa lagu dhaqayaa Xeerka Lr.11 ee 05/12/2006 ee shaqaalaha rayidka.
Qodobka Afaraad: Wuxuu Xeerkan dhaqan-galayaa markii uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabacayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.
Idale News Online, Muqdisho