Duqeyn iyo Dagaalo Ka Dhacay Yemen Iyadoo xabad Joojin Lagu Dhowaaqay

0
240

Sanca(INO)—Dagaalo iyo duqeyn dhinaca cirka ah ayaa dib uga soo cusboonaaday dalka Yemen iyadoo xabad joojin ay taageereyso Qaramada Midoobay loogaga dhowaaqay Yemen.

yemen

Isbahaysiga Carabta ayaa duqeyn dhinaca cirka ah geystey iyadoo duqeyn culus ay is weydaarsadeen dhinacyada ku dagaalamaya Yemen dhowr magaalo oo dalka Yemen inkastoo xabad joojin xalay saqdii dhexe ay ka dhaqan gashay.

Xabad joojinta ayaa la qorsheynayay in ay socoto muddo toddobaad ah si gargaar loo gaarsiiyo dad gaaraya 21 malyan oo ruux oo saameysay dagaalada ka dhacaya dalka Yemen.

Duqeyn cirka ah ayaa lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalada Sanca, sidoo kale magaalooyinka koofurta ku yaal ee Tacis iyo Cadan iyo madaafiic la isku weydaarsaday.

Magaalada Cadan ayaa dagaalyahanada Xuutiyiinta waxa ay ku garaaceen hoobiyaal iyo gantaalada Katushaha loo yaqaan fariismadaha ciidamad daacada u ah dowlada Yemen iyo garoonka diyaaradaha magaalada Cadan.

Inkabadan boqolkiiba 80 dalka dadka ku nool ay gaarayaan 25 malyan ayaa la rumeysan yahay in ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here