Baydhabo(INO)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/fatax Maxamed Ibraahiim Geesey Ayaa dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ka dib Safaro uu ku kala bixiyey wadamada Deriska la ah Dalka Soomaaliya iyo weliba Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiirka Amniga markii uu soo gaarey Magaalad Baydhabo, waxa uu ka warbiyey nuxurka Kulamadii uu la soo yeeshey Madaxda Dalalka Itoobiya iyo Kenya.
” Dalal Itoobiya iyo Kenya ayaan Safaro Shaqo u aadney, Safarkii hore madaxweynaha KGS ayaan ka Wehelinayey, arimo Amniga iyo Siyaasadd la Xariirta ayaan Halkaasi U Tagney, waxaan aad u rajeynaya in madaxweynah KGS inuu warbxin uu ka bixiyey,Safarkii dambe ee Kenya waxa uu ahaa mid Guul Ku Soo dhamaadey, Waxaan Kulumo Gaar La yeelaney Saafaro, Sida Safaaradda Maraykanka, Norwey, Denmark, Sweden iyo Imaaraadka Carabta, wax yaabaha Aynu ka wada hadalney waxay ahaayeen sidii Amaanka Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya wax looga Qaban Lahaa iyo Sidii Loo Horumarin Laha” Ayuu yiri C/fatax Maxamed Ibraahim Geesey.
Ciidamada AMISOM iyo Kuwa DF Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan Bilaabeen in isaga Baxaan Degmooyin iyo Degaano Ka Tirsan Gobolka Shabellah Hoose ayaa arintaasi ka hadley wasiirka aminga KGS.
” Hadda Guud ahaan Waad Ka War Haysaan Wasaaradda Amniga, Tan iyo Markii La yagleeley Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay bilowdey aruurinta Ciidamo horey u jirey ee Degaanka Ah, waxaa la aas aasey Dawaariista Rajo oo hub aysan siinin Dowlada DFS iyo KGS toona, waxaa kale barbar Socodey Aruurinta Ciidamo Cusub, oo La tababarey lana Siyey hubkooda, Waxaa la Qorey Ciidamo Boolis ah iyo Nabad Sugida KGS oo Qaar Dibadda Loo Qaadey, Qorshahaasi oo dhan waxa weeye Dadaalo Ay wado Wasaarada Amniga KGS iyo Sidii Loo Horumarinta lahaa”
Ugu dambeyntii, Degmmoyin iyo Degaano Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa gacan ku haaya Dagaalamiyaasha Al-shabaab Ee Soomaaliya kuwaas oo dagaal adag ku la jira Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Ciidamada AMISOM, iyadoona aysan jirin ilaa iyo haatan Wax Muuqada Oo ay Wax ka Qabatey Wasaaradda Aminga Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana waxa Go’doonsan Dhamaan Degmooyinka Gobolka Bakool, halkaasoo Sicir barar iyo Xaalado bini’adanimo laga soo sheegayo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo