Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qeyb galay Shirweyne u furmay Culimada Soomaaliyeed + Sawirro

0
197

Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaliya Md Xasan sheikh Maxamuud oo ay wehliyaan Xubno iskugu jiray Xildhibaano, Wasiiro iyo diblomaasiyiin ayaa manta kala qeeyb galay Colimadda Soomalaiyeed oo manta Shirweyne loogu yeeray Shirweyne guud ee Soomaaliyeed ee Xal; u helidda Mushkiladda Guluumiga ku talax tagidda Diinta oo lagu qabtay Hoteel Jaziira ee magaladda muqdisho.

Shirweynahaan oo ay ka qeeyb qadanayaan Guud ahaan Colimadda Soomalaiyeed qeybahee3dda kala duwan oo ka kala socday Gudaha iyo dibadda, ayaa waxaa diiradda lagu saaridoonaa in qodobo badan oo ku aadan JKu talaxtagida Diinta Islaamka iyo six un u fasirkedda.

Gudoomiyaha Qabanaqabadda Shiikh Daahir maxamud Geele oo ugu horeyn ka waqrbixiyay Shirweynahana Mudda uu socondoono taas oo uu sheegay inay tahay muddo 5 Cesho ah waxaana ka qeybqadan doona Guud ahaan culimadda Soomaliyeed oo iskaga timid Gudaha dalka iyo dibadda.

Sidoo kale waxaa iyana Munasabadda Shirweynahaan ka hadlay culimadda ay ka mid yihiin, Shiikh Bashiir axmed Salaad,Shiikh Nuur Baaruud gurxan,Af-Hayeenka Golaha sare ee ahlusunah waljamaca Shiikh C/Qaadir Shiikh Maxamed Shiikh Soomoow,Shiikh Cali Maxamed Maxamuud Shhikh Cali wajiiz,iyo culimo kale, iyagoo sheegay in shirkaan uu yahay mid lagu turxaan bixindoono mudadda uu socdo Qaabka ugu haboon ee loo sixikarro kooxaha sida khaldan diinta u fasiro kuna dhibaateeya shacbiga soomaliyeed iyo sida loogaga gudbikarro.

Shuirweynahaan ayaa sidoo kale waxaa ka hadalay wasiirka Garsoorka iyo arimaha diinta Md C/Laahi maxame d abyan oo sheegay in shirkaan inta uu socodo lagu sixidoono waxbadan oo xiligaan uu mugdi ku jiro culimadana logaga baahan yhay inay soo saaraan qodobo cad cad oo qeexaya wax ay ina fareyso diinta islaamka iyo sida loo turxaan bixinkaro dhibatadda haatan jira.

Madaxweynaha Soomaaliya MdXasan Sheekh Maxamuud oo shirka furay ayaa ka hadlay qodobo badan sida la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay wasaradda garsoorka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, waxaana uu madaxweynuhu ku sheegay in culimada looga baahan yahay inay dadka ka saxaan fekerka khaldan maadaama ay ayadu yihiin dadka cilmiga u ahaa Diinta Islaamka oo ay kooxo si khaldan u fasiray ay dadka Soomaaliyeed ku dilayaan maalin kasta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay waddo siina xoojin doonto dagaalka lagula jiro kooxaha xagjiriinta ah ee Al-Shabaab iyo kuwa gacan saarka la leh, wuxuuse dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda oo ay gacan ka geystaan dagaalkaas lagu jiro kooxahaasi.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa uga hadlay qaraxii naftii-haalignimo ee maanta laga fuliyay makhaayadda Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, isagoo dadkii ku waxyeeloobay uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed. Culimada shirka u fadhiya ayuuse madaxweynuhu u sheegay in laga doonayo inay ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee loo adeegsanayo qaraxyada.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali Karin in kuwa dhiigga dadka daadinaya marka la soo qabto ay soo daba kacaan oo ay difaacaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan odayaasha, culimada iyo masuuliyiinta qaar oo dowladda ka dalbada in la sii daayo dadka la tuhmo ayadoo aan baaritaan lagu sameynin.

Sidoo kale kuwa laaluushka la daba taagan saraakiisha ciidamada si loogu soo daayo kuwa la tuhmay ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay caddaaladda aqbalaan si umadda loo badbaadiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dhaqan gelin doonto go’aananda ka soo baxa shirkaan ee ay soo saaraan culimada Soomaaliyeed.

DSC00951 DSC00950 DSC00949 DSC00948 DSC00947 DSC00946 DSC00945 DSC00944 DSC00943 DSC00942 DSC00941 DSC00939 DSC00936 DSC00935 DSC00934

Idale News Muqdisho