Muqdusho(INO) – Madaxweynaha DF soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Qaahira Ee Dalka Masar
Madaxweynaha soomaaliya xasan sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu ka qiibgalo shir soconayo Labo maalin.
Sidoo kale inta uu joog magaalada Qaahira waxa uu l kulmi doonaa Diplomaasiin iyo weliba Ururada daneeya arimaha soomaaliya.
Dowladaha carabta ayaa dadaal ugu jiraa sidii dhidibada ay isu taagi lahayd dowlada soomaaliya, isla markaana balanqaadyo u sameeyey dowlada soomaaliya.
lama garanayo wax yaabaha looga hadli doono shirkaasi ama uu ku saabsan yahay shirkan labada maalin uu socon doono oo ka dhacaya magaalada Qaahira ee caasimada dowlada Masar.
Ugu dambeyntii, dhawaan ayey ahayd ka dib markii madaxweyne xasan sheekh maxamuud ka qiib galey kulun ay lahaan dowlaha carabta.
Warkaan, waxii ka soo kordho kala Idale News Online.
Idale News Online, Muqdisho.