Madaxweyne Xasan Sheekh & Cumar C/rashiid oo Xalay Kulan gaar ah Yeeshay

0
232

Muqdisho(INO)-Kulan gaar ah oo loo diiday Saxaafada ayaa waxa xalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah Safiirka Somaliya ujooga Dalka Mareykanka.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay xubnaha ka mid noqon doona Xukuumada Cusub ee lasoo dhisi doono.

cumar_iyo_Xasan-620x330

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu maanta magacaabi doono R/wasaaraha Cusub ee Somaliya loona saadaalinayo Xilkaasi in loo magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Kulankii xalay ayaa wararka aan helayno waxay sheegayaan in la isku mari waayey wasaaradaha iyo Shakhsiyaadka loo soo magacaabi doono Xukuumada Cusub.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa doonaya inay dib usoo laabtaan Wasiiro isaga isku dhawaayeen sida C/kiriin Xuseen Guuleed,Faarax Shiikh C/qaadir iyo Mahad Maxamed Salaad.

Waxii Ka Soo Kordho kala Soco Idale News Online 

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here