Baydhabo(INO)- Wadahadalo lagu soo afjarayey khilaafkii ragaadiyey bulshada koonfur galbeed soomaaliya, isla markaana ay wadeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka soomaaliya ayaa maanta lagu guuleystey mideeynta maamulada 6&3Gobol ee koonfur galbeed soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan DF soomaaliya oo uu hugaamiyano xidhibaan sheekh Aadan nuur madoobe iyo fowziyo sheekh oo kulumo gooni gooni ah ay la yeelanayeen madaxda sare Ee lixda gobol iyo 3 Gobol isla markaaana ay ku boorinayeen in laga midoobo khilaafkii soo jiitamayey mudo ku dhawaad 2 sanadood.
Xildhibaanada ayaa ku guuleystey in ay isku keenaan labada garab ayadoona maanta ka dhacdey magaalada baydhabo munaasabad lagu shaacinayey isku biiristooda.
Odayaasha dhaqanka ee taagyeeri jirey maamulka lixda gobol ayaa maanta la midoobey maamulka cusub ee seddexda gobol koonfur galbeed soomaaliya.
Gudoomiyihi gollaha guurtida maamulka lixda gobol malaaq xasan shure maxamuud iyo malaaq macalin barre ayaa ku dhawaaqey in ay maanta ay ku biireen maamulka uu hugaamiyo madaxweyne shariif xasan sheekh Aadan taasoo ka dhigan tahay soo afjarida khilaafkii naafayey midnimada iyo wadajirka shacab weynaha koonfur galbeed soomaaliya.
Qodobada maanta lagu heshiyey ayaa waxaa ka mid ah in la taagyeero maamulka seddexda gobol, in la bixiyo dhamaan deemihii lagu yeeshey maamulkii lixda gobol, in la sameeyo aboodi qiibsi dhanka wasiirada ah iyo madaxweyne ku xugeebka maamulka KG soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee, arinta waxaa soo dhaweeyey dowlada soomaaliya iyo weliba bulshada koonfur galbeed soomaaliya Ee ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Madaxweyne shariif xasan oo ka soo qiib galey munaasabada isku biirista labada maamul ayaa waxa uu ku tilmaamey guul weyn oo taariikh ah oo horey loo qaadey isla markaana waxa uu carabka ku dhaftey sii wadista geeda socodka nabada ee koonfur galbeed soomaaliya.
Sidoo kale gudoomiyaha gollaha Guurtida koonfur galbeed ee lixda gobol malaaq xasan shure maxamuud oo isna halkaasi hadaley ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay talaabada maanta ay kula midoobeen maamulka koonfur galbeed soomaaliya ee 3 Gobol.
Ugu dambeyntii, dhawaan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo gollaha wasiirada maamulka koonfur galbeed oo hordhac ah.
Idale News Online,Baydhabo.