Muqdisho (INO) Madaxweynaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguba ah musharrax ayaa ku celiyay dowladda inay xaqiijin doonto ammaanka musharrixinta ka qayb-galaya doorashada madaxweynaha oo dhawaan Muqdisho ka dhici doonta.
Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan,dowladda Soomaaliya inuu waajib ka saaran yahay xaqiijinta amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaysa, maadaama doorashada ugu dambeysa ay ka dhaceyso caasimada Soomaaliya.
Marku madaxweynaha hadalkan sheegayay,wuxuu ka jawaab celiyay in musharixiinta qaar u imaan waayeen magaalada Muqdisho arrimo ammaankooda la xiriira,isagoo marka sheegay ineysan helin ilaa iyo hadda warbixin ku saabsan musharax amni la’aan darteed u imaan waayay magaalada Muqdisho.
“Xilka madaxweynenimada musharixiinta u tartamaya gobolada wey tagi karaan, wali ma heyno qof dowlada lasoo xiriiray oo dalbaday in amnigiisa la sugo, waxaa jiro gudi loo sameeyay iney ilaaliyaan amniga doorashada, walina nama soo gaarin musharax cabsi darted u imaan waayay”ayuu yiri Xasan Sheekh oo inta ku darey “Musharixiinta iney am,aan helaan waan ku shaqeynay waana ku shaqeyneynaa, waana la xaqiijinayaa amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaya”.
Wuxuu madaxweynaha Xasan hadalkan ku soo beegay xilli ay waqti yar ka dhiman-tahay doorashada madaxweynaha,waxaana wali tagin magaalada Muqdisho musharrixin badan oo doorashada ka qayb-galaya.