Puntland oo ku dhawaaqday Galmudug inay ka baxday heshiisyaddii lugu joojinayay dagaallada Gaalkacyo

0
173

Gaalkacyo (INO) War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Puntland ayaa looga hadlay dagaal saacado badan maanta ka socday magaalada Gaalkacyo,kaaso u dhaxeeya ciidamada isku horfadhiya duleedka magaalada.

Puntland waxaa ay ku eedeysay maamulka Galmudug inay ka baxeen dhamman heshiisyadda nabadeynta ee lugu joojinayay xiisada u dhaxaysa oo muddo bil ah ka taagan Gaalkacyo.

War-saxaafadeedka waxaa kalo lugu caddeeyay Puntland inay is difaaci doonta,iyadoo marka shacabka loogu baaqay inay u diyaar garooban sidii ay u difaaci lahaayeen dowladnimadooda iyo deegaankooda.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland

 

warmurtiyeed-madaxtooyada-dawladda-puntlan1-2-1