Madaxweyne Xasan oo ka hadlay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

0
171

Iyadoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud, ay ku eedeeyeen Dowladda Federalka Somaliya inay dedejinayso dhismaha Maamulka loo sameynaayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ayaa Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arimahaasi wuxuu sheegay Dowladda inaysan wadin qorshe ay ku dedejinayso dhismaha Maamulkaasi.

Wareysi uu siiyay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka Tv-ga Bulsho, ayaa wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in Dowladda Somaliya ay wado qorshe ay ku doonayso inay si dhaqso ah ku dhisto Maamulka, iyadoo dadka dega Goboladaasi aysan qanacsaneyn.

“Shirka Maamul u sameynta Labada Gobol Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe waxaa lagu heshiiyay in Maamul loo sameeyo Bishii August ee sanadkii hore, sanad iyo jar jar ayaan ka soo wareegtay, intaa  wada hadal  dadaal, isqancin  ayaa socday marka ma garanaayo sabab hada loo yiraahdo dedejin ayaa ka muuqatay , maalin waliba inbaa la qancinaayay maalin waliba inbaa lala shiraayay iyaga ayaa go’aansaday sida ay wax u wadagaayaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federalka Somaliya iyo IGAD aysan faragelin toos ah ku laheyn arimaha Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, balse Dowladda kaalinta ay ku leedahay ay tahay korjoogteynta iyo ka warqabka Shirkaasi.

“Dowladda Iyo Urur Goboledka IGAD iyo Beesha caalamka korjoogteyn iyo Hagid bay ku leeyihiin, marka wado dheer ayaa la soo maray shalay lama bilaabin sanad ka hor ayaa la soo bilaabay, marka marnaba laguma deg degin dhismaha Maamulka.” Ayuu yiri Hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay dadka maamulka loo sameynaayo inay yihiin reer Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, hadana ay ku shirsan yihiin Magaalada Jowhar oo arimahaasi ay u fadhiyaan.

“Anaga waxaan qabnaa labadaasi Gobol dadkii u dhashay oo taladooda iyo codkooda lahaa inay fadhiyaan Magaalada Jowhar waa Maamul aan rabno inuu aad u cadaado oo dadka dhan ay wada joogaan oo Saxaafadda ay wada joogaan, Fagaare iyo maalin cad in lagu gaaro go’aanada la gaaro iyo cida la dooranaayo.”

Waxaa jirta Dhaliil badan oo ku aadan in Dowladda Federalka Somaliya ay faragelin toos ah ku hayso dhismaha Maamulka Hiiran iyo Shabellaha Dhexe, si Xildhibaanada Dowladda dhexe ka soo galaya Baarlamaanka codkooda uu ugu tashto Madaxweyne Xasan.