Muqdisho(INO)- Ciidamada ammaanka Somaliya oo Salaadii Subax ee saaka howlgal ka bilaabay Suuqa Bakaaraha iyo guud ahaan wadooyinka soo gala, ayaa howlgalkii ay ka sameeyeen Suuqaasi waxa ay ku soo qabteen dad Bartilmaamed ahaa oo ciidamada ay doon doonayeen.
Guud ahaan Saaka waxaa la xanibay ganacsigii Suuqa Bakaaraha iyo isu socodkii dadka iyo gaadiidka, waxaana loo diidaayay dadka inay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha ama ay ka soo baxaan, balse dadka oo dhan goobo kala duwan ayaa la isugu geeyay oo ciidamada ay ku kala saarayeen.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA ayaa sheegay howlgalka inuu ahaa qorshihiisa bartilmaameed gaar ah oo laamaha ammaanka Dowladda ay bartilmaameedsanayeen.
Saraakiisha NISA ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay saddex ruux oo ciidamada ammaanka ay doonayeen, kuwaasi oo hada gacanta ciidamada NISA ku jira, loona kaxeeyay xarumaha Baarista ee Muqdisho.
Inkastoo Saxaafadda weli aysan la hadlin Saraakiisha NISA, ayaa hadana saddexda ruux ee la qabtay waxaa la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayna ku sugnaayeen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo howlgalka baaxadiisa uu ka dhacay.
Dad fara badan oo ganacsato iyo dukaameysato u badnaa oo ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ayaa la sii daayay, kadib markii ay mareen baaritaanada ku aadan kala saarista dadka la qabtay.
Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka Somaliyed ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ammaanka ay ku xaqiijinayaan ee ay ka sameeyaan ciidanka Muqdisho.