Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka Qayb-galay kulanka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo ka dhacay Muqdisho.
Xasan Sheekh oo la hadlay Wasiirada ayaa ka Warbixiyey hawlaha Dowladda ee dhismaha Maamullada Gobollada Dalka, Nabadda, Dhaqaalaha iyo Diyaarinta Barnaamijka Hiigsiga Sannadka 2016-ka.
Halkan Ka Dhageyso.
“Dhismaha Maamulada gobolada meel wanaagsan bay marayaan, horumar muuqda ayaana shirka ka socda Degmada Cadaado ee Maamulka loogu Sameynayo Gobollada Dhexe laga gaaray. Waxaa xigi doona Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogol-xaarka iyo Wadatashiyo ah lagu jiro. Dabcan arrimaha maamulka Jubba iyo tabashooyinka ka dhashay dhismaha baarlamaankaas iyaana waa lagu guda jiraa, waxaana filayaa in Guddiga Golaha Wasiirrada ee loo saaray arrintaas ay dhawaan xal ka gaari doonaan,’’ ayuu Xasan Sheekh yiri.
Madaxweynaha Somalia ayaa intaas ku daray in Golaha Wasiirada looga fadhiyo inay dar-dar-geliyaan Barnaamijyada Horumarinta dalka, isla markaana ay jiri doonto isla Xisaabtan si hawlaha Qaranka ay u najaxaan.
Ugu dambeyn, shirka Golaha wasiirrada ayaa waxaa kaloo looga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin Arrimaha Amniga, Xasilinta Dalka iyo Qabsoomida Imtixaanka Mideysan ee Shahaaddada Dugsiga Sare.
Idale News Online, Muqdisho