Hay’ada WFP Oo Ku Dhawaaqday Inay Dhimeyso Raashinkii Ay Siin jirtay Dadka Ku jira Xeryaha Qaxootiga Kenya

0
256

Muqdisho(INO)— Hey’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa maanta ku dhawaaqday inay dhimeyso raashinka ay siin jirtay dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma, iyadoo arrintan ay saameyn ku yeelaneyso boqolaal kun qaxooti ee ku jira xerooyinkaas.

WPF

War ka soo baxay WFP ayaa sheegay inay la soo deristay dhaqaalo yari, kadib markii ay sanadkan heli weysay dhaqaalihii ay u baahneyd.

Afhayeenad u hadashay WFP ayaa raashin dhismista ay bilaaban doonto todobaadka soo socda, waxaana ay xustay in la dhimi doono 30%, oo ah qoondada raashinka laga dhimi doono dadka qaxootiga.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ilaa 30-milyan oo doolar u soo xarootay, isla markaana ay u baahan yihiin 40-milyan oo kale, si ay bisha Janaayo ee sanadka soo socda u gaarsiiyaan.

Waxaa kaloo ay sheegtay in illaa bisha September ay ku egtahay dhaqaalaha ay hayaan, waxaana ay walaac ka muujisay dhaqaale la’aanta WFP ee gar gaarkii ay siin jirtay qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Kenya.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ayaa sheegay inay saameyn ku yeelaneyso raashin dhimistan, isla markaana ay soo laaban karto nafaqo darada, waxaana ay ku soo aaday xilli ay maalmaha soo socda dhalan doonto bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dadka qaxootiga ayaa sheegay inay horay saameyn ugu yeelatay xayiraadii lagu soo rogay xawaaladaha Kenya ku yaal, isla markaana raashin dhimista ay ku dhawaaqday WFP ay tahay mid ugu sii daran.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here