Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo noqdey ka dib fasax uu la soo qaatey qoyskiisa degan Turkiga

0
188

Sidda uu noo sheegay wariyaha Caasimada Online, ee magaalada Muqdisho, waxaa goordhow la filayaa in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka soo dago madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaanahan socdaaal gaar u ah uu ku joogay dalka Turkiga.

Wariyaheena wuxuu kaloo soo sheegay in garoonka uu ka socdo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyna, waxaa ku sugan madax ka tirsan dowladda.

Waxaa kaloo garoonka ku sugan ciidanka Baambeyda, kuwaasoo ka qayb qaadanaya soo dhaweynta madaxweynaha.

Ma cadda in madaxweynaha uu la hadli doono saxaafadda iyo in kale, in kastoo saxaafadda ay ku sugan tahay garoonka.

Madaxweynaha ayaa horrey u sheegay in uu dalka Turkiga u aaday booqasho gaar u ah isaga oo ay ka mid tahay in uu soo arko xaaskiisa iyo carruurtiisa oo ku nool dalkaas.

XASAN